DHAGEYSO:-Amaro laga soo saaray Amniga degmada Cabudwaaq

0

Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Galmudug ee ku sugan degmada Cabudwaaq ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ay degmadaasi ka fuliyeen howlgallo lagu xaqiijinayay Amniga,xilli degmadaasi uu ku wajahan yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Howlgalka ayaa Ciidamada Booliska waxaa ay ka fuliyeen dhamaan Xaafadaha degmadaasi Cabudwaaq,waxaana uu ahaa mid Gawaarida iyo dadka ku nool Magaaladaasi ay ku baarayeen si amniga loo xaqiijiyo.