DAAWO:-Baarlamaanka Puntland Oo Go’aan Kasoo Saaraya Metelaadda G/Banaadir

0

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta si adag uga doodday metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka sare ee Baarlamanka dalka oo shalay ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha shacabka.

Qaar kamid ah Xildhibaanada oo kulanka ka dhex hadlay ayaa waxaa ay Dowladda Federaalka, Madasha Xisbiyada, maamulada HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ku eedeeyey in ay faquuqayaan Puntland iyo Jubbaland.

Sidoo kale Xildhibaannada qaarkood ayaa soo jeediyey in Puntland ka tashato dowladda Soomaaliya, isla markaasna ku dhawaaqdo madax-banaani, waa sida ay hadalka u dhigeen.