Maamulka Puntland Oo War Kasoo Saaray Dagaalkii Ka Dhacay Gobolka Sanaag

0

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada dowlad Goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ka hadlay dagaal saakay kasoo cusboonaaday deegaanka Cawsane ee ka tirsan Gobolka Sanaag, kaasi oo u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed halkaas ka wada-degta.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Gudoomiye Jibriil ayaa waxaa Maleeshiyaadka ku dagaalamay Cawsane loogu baaqay inay si Deg deg ah u joojiyaan Colaada deegaankaas kasoo cusboonaatay.

Sidoo kale Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ka dalbaday inay ka qeyb qaatan sidii loo joojin lahaa dagaalka.