DHAGEYSO:-Puntland iyo Galmudug oo warmurtiyeed ka soo saaray shirki iskaashiga ee uga socday Gaalkacyo

0

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa Maanta oo sabti ah waxaa lagu soo Gaba-gabeeyay Shir Madaxeedkii iskaashiga ee u dhexeeyay dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray War-Murtiyeed ka kooban 7 qodob oo labada dhinac ay ku heshiiyeen, waxaana Warbaahinta u Akhriyay Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Galmudug iyo Puntland ayaa ku heshiiyay arrimo kala duwan, waxaana qeyb ka ah Iskaashi dhanka amniga ah, xaajinta cadaaladda nabadaynta iyo dib u heshiisiinta iyo sidoo kale iskaashiga iyo horumarinta dhanka dhaqaalaha ah.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isku afgartay in aragti midaysan laga qaato arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya dhamaadka sanadkaan 2020/2021 iyo geedisocodka nanaanka dawladnimada Soomaaliya.