DHAGEYSO:-Baaq deg deg ah oo loo diray Dagaal Ka Dhacay Deeganka Cawsane Ee Gobolka Sanaag

0

1. Ugu baaqi Dowladda Puntland in waajibka nabadeynta iyo amni-sugidda ka saaran gobolka Sanaag ay masuuliyad dheraad ah iska saarto, si degdeg ahna wax uga qabato khilaafaadka muddada taagnaa ee ka jira degaanka Cawsane.

2. Waxay ugu baaqi masuulinta iyo siyaasiyiinta gobolka inay si degdeg ah uga howl galaan xalinta khilaafaadka badan ee isa soo taraya ee ka jira Gobolka Sanaag.

3. Waxay ka codsan hogaanka dhaqanka, culimada iyo bulshada rayidka ah inay masuuliyad iska saaraan nabadda iyo degenaanshaha gobolka.

4. Waxay ka digaysaa is hubaynta faraha badan ee ku soo kordhaysa gobolka Sanaag iyo hubka ka baxsan gacanta dowladda.

5. Waxay ka dalbaneysaa beelaha tabashada kala qaba inay arimahooda (gar-naqsi) ka galaan, ayna joojiyaan wax kasta oo hurinaya khilaafaadka jira.