Baarlamaanka Puntland Oo Ansixiyay Wasiiro La Hor-Geeyay

0

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa kulankii 8-aad ee ee Kalfadhiga 46-aad Golaha waxaa ay ku yeesheen Xaruntooda oo ku taalla Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamullkaas.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo ku xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta waxaa goob-joog ahaa 47 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah Ansixinta mas’uulyiinta u baahan xasaanada-siinta Golaha Wakiillada Maamulka Puntland.

47 Xildhibaan ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyey Wasiiro & Wasiir ku xigeeno ka tirsan Golaha Wasiiradda Puntland kuwaas oo lagu magacaabay Xeer Madaxweyne Lr.45 kuna taariikhaysan 22ka May, 2020. Ma jirin cid diiday, ama ka aamustay.

1-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska Eng. Cabdullahi Cali Xirsi

2-Wasiirka Wasaaradda Kallumeysiga & Khayraadka Badda Eng. Maxamuud Xaaji Saalax

3- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdi Ibraahim Warsame ( Qawdhan)

4- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga & DDRta Ismaaciil Saleebaan Geelle

5- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha, Tamarta iyo Macdanta Axmed Siciid Ismaaciil ( Qoloombi)

6- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Hodan Siciid Xassan

7- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Xiriirka caalamiga, & Horumarinta Dhaqaalaha Cabdiqani Axmed Ismaaciil ( Deero-Bille)

8- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda Saynab Ismaciil Maxamed