AKHRISO:- Madaxweynaha Galmudug oo Shir kaga dhawaaqay Hobyo

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) oo Galabta Hobyo ku tagay safar dhinaca Dhulka ah ayaa casuumaad deg deg ah u diray dadka ugu miisaanka weyn bulshada u nool Deegaanada Galmudug sida Ganacsato, Siyaasiyiin , Xildhibaano Faderaalka ah iyo madax dhaqameedyo.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubnaha uu casuumay Madaxweynaha Galmudug ay Maalinta bari ah ku wajahan Magaalada Hobyo halkaas oo madaxweynuhu ku qabanayo shir looga arinsanayo sidii reer Galmudug wax uun uga bilaabi lahaayeen dhismaha Dekeda Hobyo .

Qorshaha Shirkaayaa ah mid reer Galmudug loogu muujinayo baahida loo qabo dhismaha Dekada iyo sida qasabka ay u tahay in leysku biirsado ambaqaadida sidii albaabada loogu furi lahaa wax kala dagida iyo ka dhoofinta dekedda Hobyo.