SAWIRO: Senataro ka tirsan Aqalka Sare oo is hor istaagay kulankii Maanta.

0

Senataro ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay in aalada muuqaalka fog ee loo yaqaano Zoom-ka lagu yeesho kulamada uu yeelanayo Golaha Aqalka Sare.

Senataradaan oo xarunta Golaha Aqalka Sare Warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay iney is hor istaag ku sameeyeen kulankii maanta dhici lahaa maadaama sida ay sheegeen ay ka war heleen in lagu shirayo Aalada Zoomka taasina aysan sharci ahayn.

Senatar Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa guddoonka Golaha Aqalka Sare ugu baaqay iney ilaaliyaan sharciga iyo xeer hoosaadka isla markaana fadhiyada golaha si deg deg ah ay u furan.

Waxa uu tilmaamay in aysan aqbali doonin in koox yar ay la wareegto shaqooyinka golaha Aqalka Sare.

“Waxaan diidnay in Aqalka sare Group ama Koox yar uu u afduubnaado oo warqado isdaba joog ah ay soo saaraan oo aanan sharci ahayn,waxaan xaqiijineynaa in Sharci darro ay tahay in shir loogu qeyb galko Aaladda ZOOM-ka”. ayuu yiri Senator Ayuub.

Sidoo kale waxaa Warbaahinta la hadashay Senator Fartuun C/qaadir Karaama, waxa ay ku baaqday in la ilaaliyo xeer hoosaadka golaha.

“Waxaan diidnay in la hareer maro xeer hoosaadka Golaha Aqalka Sare oo shirka loogu qeyb galo Aaladda Zoom-ka, waxaan ku baaqeynaa in sharciga la ilaaliyo”. ayay tiri Senator Fartuun.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA: