XOG: Maxay ka wada hadli doonaan Biixi iyo Farmaajo?.

0

Waxaa beri subax lagu wadaa in dalka Djibouti uu safar ugu ambabaxo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay la socdaan ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal, wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Sabriye iyo xubno kale oo siyaasiyiin iyo bulshada rayidka ah.

Wafdigan ayaa ka qeybgalaya wada hadal ay la yeelan-doonaan wafdi ka socda Somaliland, uuna hoggaaminayo madaxweyne Muuse Biixsi, ayna ku jiraan, wasiirro, xildhibaanno,  siyaasiyiin iyo bulshada rayidka.

Wada xaajoodkan oo ay garwadeen ka yihiin Mareykanka, marka laga soo tago madaxda Soomaaliya, Somaliland, Djibouti iyo Itoobiya ayaa waxaa sidoo kale furitaanka ka soo qeyb geli-doona madax ka socota Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo inta badan dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO XOGTA KULANKA: