Shir lagu xallinayo dagaal beeleed oo ka socda Sool iyo Sanaag

0

Waxgaradka iyo odayaasha  Sool iyo Sanaag  ayaa Degmada Ceegaag ee Gobolkaasi ka wada Gogol Nabadayn ah oo lagu heshiisiinayo laba beelood oo dhowaan ku dagaallamay Halkaasi.

Qaar kamid ah odayaasha waaweyn ee Gobollada Sool iyo Sanaag  ayaa hoggaaminaya Shirka lagu xallinayo Colaadda labada Beelood oo marar kala duwan ku soo noq-noqotay Degaannada Gobolka Sanaag

Ergooyinka Nabadaynta oo ay weheliyaan Ergooyin ka socda Labada Beelood ayaa haatan ku shirsan Deegaanka  Ceegaag waxaana ay ka arrinsanayaan sidii loo dhammayn lahaa Colaadda labada dhinac.

Colaaddaas ayaa dib u soo laabatay todobaadyadii la soo dhaafay kadib dilal aanooyin la xiriira oo ka dhacay Degaannada qaarkood.