SAWIRO:- Wasiirka Gaashaandhiga oo Muqdisho kula kulmay Saraakiil Turki ah

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhiga XFS iyo Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya ayaa booqday Xarunta Tababarka Ciidanka ee TurkSom ee Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiintaan ayaa waxaa ay la kulmeen saraakiisha Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya u jooga tababarida Ciidamada Dowladda iyo Safiirka Turkiga ee Muqdisho, iyaga oo uga mahad celiyay howlaha ay ka wadaan Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga iyo Duqa Muqdisho ayaa waxaa ay booqdeen Xarunta Cusub ee loogu talo galay in lagu tababaro Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo siweyn loo qalabeeyay.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa dowladda Turkiga ku amaanay qeybta weyn oo ay ka qaadaneyso dib u dhiska Ciidamada dowladda ee dgaalka kula jira Al-Shabaab.