AKHRISO:- Guddiga Arrimaha Guddaha ee Golaha Shacabka iyo Wasiir Sabriye oo kulan yeeshay

0

Kulan ay isugu yimaadeen Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga ayaa maanta ka dhacay xarunta Villa Hargeisa.

Ajandaha kulanka ayaa ku saabsanaa wax-ka-beddelka iyo Kabista Sharciga Axsaabta Siyaadda dalka .

Kulanka waxaa shir guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka mudane cabdiwali sheekh ibraahim muudey , sidoo kale waxaa goob joog ahaa guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka mudane mahad cabdalla cawad

kulanka waxaa ka soo qeyb galay wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye iyo Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo ismaaciil (xaliimo yareey).

Wasiirka arimaha guddaha iyo guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa goddoonka golaha shacabka iyo Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga uga warbixiyay wax ka badel ay si wadajir ah ugu sameeyeen wax-ka-beddelka iyo Kabista Sharciga Axsaabta Siyaadda.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane mahad cabdalla cawad oo kulanka soo xiray ayaa uga mahadceliyay wasiirka arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka sida wanaagsan oo ay uga wada shaqeeyeen wax-ka-beddelka iyo Kabista sharciga Axsaabta Siyaasadda dalka.