Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa madaxtooyada Soomaaliya ka dalbatay inay qaban qabaiso kulan dhex mara madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowladda goboleedyada dalka.
Qoraal kooban oo safaaradda ay soo dhigtay dastuurka ayaa lagu sheegay in deg deg looga baahan yahay wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada si loo xaliyo khilaafyada jira.
“Safaaradda Mareykanka waxay ugu baaqeysa Villa Somalia inay kulan isugu keento dhammaan madaxda dowlad goboleedyada, si waafaqsan dastuurka Soomaaliya. Wada-hadalka iyo wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah, aad ayaa loogu baahan yahay si loo xaliyo khilaafyada siyaasadeed ee jira, loona fuliyo deyn-cafinta iyo jawaabta laga bixinayo COVID-19,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.
Warkan kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa imanaya ayada oo sidoo kale goor sii horreysay uu Aqalka Sare ku baaqay shir dhex-mara madaxda dowladda, baarlamanka iyo dowlad goboleedyada kahor 25-ka bishan, si looga hadlo arrimaha doorashooyinka.