Maamul Goboleedka Puntland ayaa soo dhoweysay baaqii ka soo baxay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee ahaa in la qabto shir wadatashi ah oo ay isugu yimaadaan dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda, si looga tashado qabashada doorasho heshiis lagu yahay.
War saxaafadeedka ayaa lagu soo jeediyay sheegay in shirkaas in la qabto ugu dambeyn 20-ka bisha June, isla markaana aanay ka qeyb geli doonin haddii shirkaas la qabto kaddib 27-ka bishan oo la filayo in Baarlamaanka warbixin ka jeediso Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa bannaan.
War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxda dowladda Federaalka aysan weli ka soo jawaabin gogoshii Puntland ay fidisay kaddib shirkii Wadatashiga Puntland ee dhacay bishii March ee sanadkan magaalada Garowe, welina gogoshaas ay sideedii u fidsan tahay
Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay dowladda Federaalka inay ka caga jiiday in Madaxweynaha Puntland uu safar gogol xaar u ah uu ku tago magaalada Muqdisho, si looga wada hadlo qabsoomida gogosha ay fidisay Puntland.