Wasiirka Amniga Galmudug oo Al-Shabaab ku eedeeyay hurinta dagaal beeleedyada Mudug

0

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Al-Shabaab ay hurinayaan dagaal beeleedyo ka dhacay Gobolka Mudug oo heshiis laga gaaray, si ay uga faaiideystaan kolka ay dagaalamaan.

Axmed Macalin Fiqi ayaa u digay Odoyaal dhaqameed uu sheegay in ay u dhega furan yihiin Al-Shabaab, kadib markii ay u yeereen ayna ugu tageen deegaannada lagu ballamiyay sida uu hadalka u dhigay.

Sababta ay sidaas u sameynayaan Al-Shabaab waxa uu ku sheegay in ay doonayaan sidii looga kala tagi lahaa gogosha dib u heshiisiinta ah ee u taalla Odoyaasha dhaqanka beelo ku dagaalamay Gobolka Mudug.

“Waxa aan maqalnay in Odoyaasha qaar ee Beelaha ay u yeereen Al-Shabaab iyaga oo ka xun xareynta Maleeshiyaadka, wareejinta hubka iyo sugidda Amniga, Odaygii qaata amarkaas ee aada deegaannadooda dib yuusan nagu soo laaban, kamana aqbali doono cudur-daar” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Amniga Galmudug.

Dhanka kale waxa uu shaaciyay in howlgal wadajir ah Gobolka Mudug ka sameeyeen Ciidamada Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland ay kaga hortageen waxyaabo halis ku ah labada dhinac.