Taliyaha cusub ee ciidanka militeriga Kenya, Gen. Robert Kibochi ayaa booqasho aan lasii shaacin ku yimid Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose ee uu ka arrimiyo maamulka Jubbaland, halkaas oo ay ku suganyihiin ciidamada dowladda Kenya ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.
Taliyaha oo shalay soo gaaray Jubbaland ayaa kormeeray xarumo ay ciidamada Kenya ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo uu kula hadlay ciidamada ka socda wadankiisa ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Gen. Robert Kibochi ayaa xeryihii uu ciidamada Kenya ku kormeeray kula kulmay saraakiisha hoggaamineysa ciidamadaas, iyagoo uga warbixinyey sida ay u gutaan howlgalkooda Soomaaliya, una gudbiyey baahiyahooda.
Xeryaha uu Gen. Robert Kibochi Taliyaha ciidanka militeriga Kenya ku kormeeray ciidamada ka jooga Soomaaliya waxay ku kala yaallaan degmooyinka Afmadow, Bilis-Qooqani, Tabda iyo Hoosingow oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.