Booliska magaalada Qardho ayaa Raali gelin ka bixiyey Hab dhaqan Qalafsan oo ay Habaynkii Xalay kula dhaqmeen Qaar kamid ah Dhalinyaradda magaalada, kuwaasi oo laga soo qabtay Banaanka magaalada, Iyagoo ku Cawaynaya islamarkaana Dab shitay, Sidoo kalana ay Heeso u baxayaan.
Muuqaal laga duubay dhalinyaradaasi oo Dumar u badnaa ayaa Boolisku si Dhaqankeedu aanu Fiicnayn ay ula dhaqmeen, waxaana dad badan is waydiiyeen Dhalinyaro ku cawaynaya dhulkooda, islamarkaana aan lagu Haysan wax fal dambiyeed ah, in muuqaalo laga duubo hadana sharaftooda loo gefo iyagoo weliba ay dumar Caruur ah ay ku jiraan.