Booliska Dawladda Somalia oo Qaaday Tallaabo Bulshada Siwayn usoo dhawaysay

0

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay baaris ku hayaan Askar katirsan Ciidankooda oo loo qabtay qaadashada Laaluush, kadib markii dacwad ka dhan ah loosoo gudbiyay kahor inta aysan xidhin.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhamme Sadiiq Aadan Cali oo Warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in Askartaan ay ku sugnaayeen Bar kontorool oo uusan tilmaamin halka uu ku yaallo.

Waxa uu sheegay in ay cabasho ka dhan ah Askartaas ay usoo gudbiyeen shacab ay weydiisteen iyo kuwo ay ka qaateen lacago laaluush ah oo kahor imaaneysa howlaha Shaqo ee Ciidamada Dowladda.

“Booliiska Soomaaliyeed waxa ay gacanta ku dhigeen Askarta ku sugan goob lagu baaro Gawaarida, cabasho shacab ayaa nasoo gaartay, waxa aan ku sameynayay dabagal oo ugu dambeyn waan xirnay, waxaana ku socda Baadhis” ayuu yidhi Afhayeenka Booliisku.

Afhayeenka sidoo kale waxa uu tilmaamay in xubnahan ay yihiin Xukun Sugayaal sharciga iyo sumcadda Ciidanka meel uga dhacay oo ka reeban in ay laaluush qaataan si ay dano gaar ah u fuliyaan.

DFS ayaa xidhay waddooyinka Xaafadaha dhexmara ee Muqdisho, halka Baraha Kontoroolada la dhigay Ciidamo Booliis ah, kuwaa oo gaadiidka nuuca Raaxadaha oo ay wataan shaqsiyaadka heysta aqoonsiyada gudbiya kolka ay baaraan.

Dadka qaar ayaa sheega in Askarta ay weydiistaan lacago Laaluush ah si ay ugu fududeeyaan ka gudbidda Wadada ay ku sugan yihiin Ciidamadaas, balse waa markii ugu horeysay oo Taliska Booliisku xaqiijiyo in ay Askar u qabteen qaadasho laaluush.