AKHRISO:- WARBIXIN Weriye Coldoon oo la siidaayey kaddib 1 sano iyo 49 maalmood oo uu xabsi ku jiray

0

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu soo dhoweeynayaa xorriyad-siinta weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon Sabtida maanta 6-da bisha Juun, 2020. Coldoon ayaa muddo hal sano iyo 49 cisho ku jiray xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa.

Booliska magaalada Burco ee Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon 17 Abriil, 2019 kaddib warbixino dhaliil ahaa uu ku qoray bartiisa Facebook. 6dii Juun, 2019 ayaa xeer ilaalintu ku soo eedeysay “Faafinta warar liddi ku ah Somaliland” iyo “baahinta warar been abuur ah”. 8dii Luulyo, 2019 ayaa Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ee Hargeysa ku xukuntay saddex sano iyo bar xabsi ah.

Isagoo ka hadlayay shir saxaafadeed uu ku qabtay maanta magaalada Hargeysa, weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa xaqiijiyay in lagu soo daayay cafis madaxweyne.

“Maanta waxaan ahay xor. Alle ayaa mahadda iska leh. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii ka qeyb qaadatay xorriyadeyda. Waxaan idin leeyahay dhammaantiin mahadsanidiin anigoon halkan qof qof uga sheegi karin,” Weriye Coldoon ayaa warfidiyeenada u sheegay.

SJS waxay soo dhoweyneysaa in Cabdimaalik uu xorriyadiisa dib u helo, waxaana ugu baaqeynaa in madaxda Somaliland inay joojiyaan xarigga warfidiyeennada.

“SJS waxay ku faraxday warka sii-deynta weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon, annagoo aamisan in markii horeba aanay ahayn la xiro,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS ayaa yiri, isagoo ku daray, “Waxaanu xasuusineynaa madaxda Somaliland in ay ka joojiyaan xarigga warfidiyeennada u adeegaya bulshada iyagoo adeegsanaya xaqooda dastuuriga ah.”

Dhanka kale, SJS waxay aad uga xun tahay xabsiga go’doominta ah ee lagu hayo tifaftiraha Idaacadda Hiigsi, Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo lagu hayo meel aan la garaneyn illaa iyo 7dii Maarso 2020, isagoo aan loo ogoleyn qareen isla markaana aanay arki karin qoyskiisa.

“Waxaan aad uga walaacsannahay xaaladda weriye Maxamed Cabduwahaab Abuuja oo aan la garaneyn halka lagu hayo tan iyo 7dii bishii Maarso ee sanadkan, loona diiday booqasho iyo qareen u dooda toona. Waana in la sii daayaa ama sida ugu dhakhsiyaha badan lagu horkeenaa maxkamad caddaalad, loona ogolaadaa qareen ku difaaca sharciga hortiisa.” Md. Mumin ayaa intaa ku daray. (DHAMAAD)