Senator Dufle oo sheegay in aysan ku heshiin in 4.5 loo qeybsado metelaada Muqdisho

0

Senetor Cusmaan Maxamuud Dufle oo hadal ka jeediyey kulan ay Muqdisho ku yeesheen xubno ka socday guddiga dhameystirka sharciga doorashooyinka, odayaal dhaqan, aqoonyahano iyo qeybaha bulshada ayaa ka hadalay arrimaha maqaamka gobolka Banaadir.

Senetor Dufle ayaa xubin ka ah guddiga ka kala socda labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo loo xil saaray dhameystirka sharciga doorashooyinka, isla markaana ay kasoo tala bixiyaan qodobo ku jiro maqaamka gobolka Banaadir.

Markii laga soo tago in kulankaas lagu taageerayey go’aankii Ugaaska beesha Mudulood, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, kaas oo uu uga soo horjeestay in gobolka Banaadir 7-xubnood laga siiyo golaha Aqalka Sare, iyadoo lagu qeyb sanayo nidaamka 4.5, Senatorka ayaa ka sheegay in xubnaha guddigoodu aysan ku heshiin arrintaas.

“Xubnaha guddigu waxay isla sheegeen, in todoba xubnood la siiyo magaalada Muqdisho, waxayna aheyd arrin soo jeedin ah, laakiin meeshaan waxaan rabaa in aan ka cadeeyo, in aysan jirin wax aan isla go’aaminay ama aan soo saxiixnay oo ah ‘4.5 halagu qeybsado’ ma jirto arrintaas haba yaraatee” ayuu yiri Dr. Dufle.

Senator Cusmaan Dufle ayaa sheegay in guddigu isla gartay in todobada xubnood la sheegay ay isla garteen in hor geeyo baarlamaanka, maadaama loo baahnaa in gobolku metelaad helo, balse marnaba aysan xubnaha guddigu soo saxiixin ‘4.5 halagu qeybsado metelaada Muqdisho.’