Maraykanka oo 10 maalin ka dib ka hadlay dhalinyarii lagu laayay duleedka Balcad

0

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxay tacsi u dirtay eheladda iyo asxaabta xirfad-layaashii caafimaad iyo qofkii shacabka ahaa ee 27-dii May, 2020 lagu dilay deegaanka Gololey oo hoos taga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

War-saxaafadeed kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in falkaas uu sii xoojinayo beegsiga dadka ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimadda ee ku sugan qaybo kamid ah Soomaaliya.

Sidda ku xusan warbixinta, tan iyo bilowgii sanadkan 2020, waxaa gudaha Soomaaliya lagu khaarijiyey 10 qof oo ka shaqeysa samafalka.

“Mareykanka wuxuu aad uga walaacsan yahay xaaladaha sii xumaanaya ee amniga ee shaqaalaha arrimaha samafalka ee jooga Soomaaliya. Waxaan si xoogan u cambaareyneynaa weerarada lagu qaadayo kuwa ka shaqeynaya ilaalinta nolosha kuwa nugul. Rabshadaha noocaas ah waa in cadaaladda la marsiiyaa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Mas’uuliyiinta dowladda federaalka ah ayaa loogu baaqay in ay ka shaqeeyaan siddii bad-qab u heli lahaayeen howlwadeenada gargaarka.

“Dowladda Mareykanka waxay ugu yeereysaa dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliya in ay dhowraan sharciga caalamiga ee bani’aadamnimada iyo in la ilaaliyo shaqaalaha gargaarka si ay u sii wadaan caawinta dadka tabaaleysan ee Soomaaliyeed oo ay la shaqeynayaan,” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Dhacdadaas aadka loo dhibsaday oo baaritaan uu ku socdo laguna laayey wadar ahaan sideed ruux ayaa ka dhacday degaanka Gololey ee ku dhow Balcad. AlShabaab iyo ciidamadda Soomaaliya ayaa siyaabo kala gooni-gooni ah loola xiriiriyey.

Waxaana taliska ciidamadda Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa dhinac isaga leexiyey eedeyntaas, wuxuuna soo dhaweeyay baaritaanadda haatan socda.