Hoggaamiyihii ururka Al-Qaaacida ee Waqooyiga Afrika oo la dilay

0

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in ay dishay hoggaamiyihii ururka Al-Qaacida ee Waqooyiga qaaradda Afrika.

Wasiirka gaashaandhigga ee Faransiiska ayaa warbaahinta u sheegay in Cabdi-Malik Durukdil hoggaamiyihii Al-Qaacida ee Waqooyiga Afrika lagu dilay dalka Mali.

Ciidamada Faransiiska ayaa sidoo kale la sheegay in hawgal dhacay bishii May ay gacanta ku soo dhigeen hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Isis.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga ee dalka Faransiiska ayaa sheegay inay sii wadi doonaan hawlgalada ay ku baacsanayaan hoggaamiyaasha ururrada Al-Qaaacida iyo Isis ee ku sugan gobolka.