Faahfaahino ka soo baxaya ciidanka Danab oo nin hubeysan ku toogtay Gaalkacyo

0

Ciidamada Danab ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa toogtay nin hubeysnaa oo ay uga shakiyeen in uu ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ninkaan oo markii hor dhaawac ahaa ayaa isku dayay inuu baxsado, balse ciidamada ayaa toogtay markii uu dagaalamay, iyadoo warar soo baxayana ay sheegayaan in uu baxsaday nin kale oo la socday ninkaas ay toogteen ciidamadu.

Meydka ninka la toogtay ayaa markii dambe waxaa horay u sii qaatay ciidamda.

Ciidamada danab ee ka howgala magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii dambe waday howgallo xoog leh oo lagu sugayo amniga magaalada, howlgalladaas waxaa la sheegay in si gooni ah loogu bartilmaameedsanayo dadka lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab