Askari ka tirsan Xoogaga Amisom oo lagu dilay Gobolka Baay

0

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Baay ayaa sheegaya in mid ka mid ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika lagu dilay weerar ka dhacay wadada xiriirisa Degmooyinka Bardaale iyo Qansaxdheere ee Gobolka Baay.

Ciidan ka tirsan kuwa Amisom oo wadadaasi ku socdaalayay ayaa waxay weerar jid gal ah kala kulmeen Ururka Al Shabaab, iyadoo weerarka uu ku bilowday qaraxyo wadada dhinaceeda lagu diyaariyay, ka dibna uu xigay weerar toos ah.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in labada dhinac uu halkaasi ku dhex maray dagaal hubka cul culus la isku adeegsaday, oo qaraxyana ay barbar socdeen.

Ururka Al Shabaab ayaa dhankooda waxaa ay sheegteen in dagaalka ay ku dileen tobanaan ka mid ah Ciidanka Amisom, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawaceen.

Hase ahaatee dadka deegaanka waxaa ay xaqiijiyeen markii uu dagaalku soo geba-gaboobay in ay arkayn meydka hal askari oo Amisom ah iyo dhaawaca dhawr kale.

Askariga weerarka lagu dilay ayaa ka mid ah Ciidanka Militariga Itoobiya ee qaybta ka ah Xoogaga Midowga Afrika ee Somaliya ku sugan.