AKHRISO:- WAR CULUS: Jabuuti oo ka hadashay Banaanbaxyada ku fiday gobolka Cali Sabiix

0

Gobolka Cali Sabiix waxaa maanta salaadda Jimcaha ka dib ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeeda xariga askeriga gadooday ee dhawaan soo duubay muuqaal uu uga sheekeynaya sida loola dhaqmay inta uu xasbiga ku jiray.

Muddaaharadayaal careysan ayaa taayeero ku gubay waddooyinka iyagoo dalbanaya in la sii daaya Fu’aad Yuusuf Cali oo horay u ahaa duuliye ka tirsan ciidammada cirka ee Jabuuti.

Muddaaharaadyo noocan oo kale ah ayaa shalay ka dhacay magaalada Jibuuti iyadoo dowladda ay xabsiga dhigtay dhowr qof.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Jibuuti, Muumin Axmed Sheekh ayaa u digay dibadbaxayaasha.

“Nin kasta oo sharciga ku xadgubana waa la soo qaban doonaa oo sharciga ayaa lala tiigsan doonaa. Marka dadku ha ogaadaan, meeshan waa waddan sharci leh, nidaamka ninkii ku xadgubana isagaa yaqaanna” ayuu yiri Muumin