Akhriso:-Somaliland oo diiwaangeliyay kiisas cusub oo xanuunka karoona

0

Somaliland ayaa waxay maanta ku dhawaaqday in ay diiwaangelisay 29 xaaladood oo cusub, sideed iyo afartankii saac ee la soo dhaafay.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxay xaqiijisay in 150 qof oo xanuunka laga baaray laga helay 29 ka mida, oo mid ka mid ah uu yahay muwaadin u dhashay dalka India.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale sheegay in la diiwaangeliyay dhimashada laba bukaan oo cusub, oo midi ay tahay haweeney. Guud ahaan dadka xanuunka ugu dhintay deegaanada Somaliland waa 24 qof.

Sidoo kale waxaa ay Somaliland diiwaangelisay in 5 bukaan oo cusub ay ka bogsadeen xanuunka, kuwaa oo dhammaantood ah dadka reer Somaliland ah. Tani waxay ka dhigeysaa tirada guud ee ka caafimaaday 62 qof.

Bukaanada cusub ee xanuunka laga helay waxaa ay da’doodu u dhaxeysaa

(10jir illaa 19jir = 1 qof)
(20jir illaa 29jir = 7 qof)
(30jir illaa 39jir = 8 qof)
(40jir illaa 49jir = 4 qof)
(50jir illaa 59jir = 1 qof)
(60jir illaa 69jir = 5 qof)
(70jir illaa 79jir = 2 qof)
(80jir illaa 89jir = 1 qof)