Shir lagu dhex dhexaadinayo Beelo ku dagaalamay gobolka Mudug maanta furmaya.

0

Degmada Bandiradley Ee Gobolka Mudug ayaa Maanta waxaa ka furmi doonna Shir dib u-heshisiineed, kaas oo lagu dhex dhexaadinaayo Beelo dhawaan dirir ku dhex martay Gobolkaas.

Beelahan ayaa dhawaan Dirir Colaadeed ku dhex martay degaanka Taaroge Galbeedka Gobolka mudug, iyadoo maanta la filayo in shir lagu xalinayo dirirtaasd uu dhaco  .

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb-galaya Odayaasha labada beelood ee dagaalamay iyo mas’uuliyiin ka kala socda Maamulada Puntland iyo Galmudug oo ay kasoo kala jeedaan labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamay.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonnaa sidii lagu xal waara looga gaari lahaa dirirtaan ku soo laab laabatay deegaanka, Taaroge ee Galbeedka Gobolka Mudug.