Dibadbaxyo waa-weyn oo ka bilaawday gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya

0

Meelaha badan oo ka tirsan gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya waxaa ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeeda maamulka gobolka, dadweyne ayaa maanta dibadbaxyo ka dhigay gobolkaas.

Dibadbaxyaashu ayaa xiray waddooyinka waaweyn ee mara gobolka, halka meelaha qaarna ay isku dhaceen booliska.

Dibadbaxyada ayaa ka dhacay magaalooyin qaar, waxaana sii kiciyay isbaddallo ay ku dhawaaqda dowladda hoose, shacabka waxay codsanayeen in magdhaw lasiiyo, kaddib markii lagu qasbay inay isaga qaxaan dhulkooda, si halkaas looga iibiyo warshad soo saarta sokorta.

Waxaa dhif iyo naadir ah in gobolkan ay ka dhacaan dibadbaxyo looga soo horjeedo maamulka gobolka Tigreega ee uu hoggaamiyo xal xisbi waana xisbiga TPLF, oo in ka badan 20 sano door muuqda ku soo lahaa siyaasadda Itoobiya, haatan waxay caqabad ku noqdeen Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli ay sare u kaceyso xiisadda siyaasadeed ee u dhexeeysa gobolka Tigreega iyo xukuumadda dhexe ee Addis Ababa.

Gobolkan wuxuu ku hanjabay in doorasho u gaar ah uu ka qabsan doono Itoobiya, waxaa dib loo dhigay waqtigii ay dhici laheyd doorashada feyraska Corona dartiis.

Mas’uuliyiinta Tigreega waxay ku eedeeyeen maamulka Ra’iisul wasaare Abiy Axmed inuu sii hurinayo qalaalasaha siyaasadeed ee ka taagan gobolka ismaamulka Tigreega.