DHAGEYSO:-Ra’iisul Wasaare Khayre:Soomaaliya waa hoyga shacab dhallinyaro u badan oo leh riyooyin iyo yididiilooyin isku mid ah leh

0
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Cali Khayre oo aaladda la iska arko uga qayb qalay xaflad ay ku qalin jebinayeen arday Soomaaliyeed ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay hoyga shacab dhallinyaro u badan oo leh riyooyin iyo yididiilooyin isku mid ah leh, Sidoo kale  ay tahay hoyga xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, oo leh kheyraad khalluun oo dihan, dhul beereed, shidaal, macdan  iyo gaas iyo dhaqaale adeegyada laga sameeyo.