Akhriso:-Wasiirrada iyo xildhibaanada beelaha Banaadiriga oo ka digay in 4.5 lagu qeybsado matalaada G/Banaadir

0

Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen wasiirrada iyo xildhibaanada dowladda federaalka ku matala qowmiyadda Soomaaliyeed ee Banaadiriga, ayaa laga soo saaray go’aankooda rasmiga ah ee ku aaddan qadiyadda metelaada gobalka Banaadir.

War-Saxaafadeed ka soo baxay kulankaas ayaa lagu yiri “Xildhibaanada Qowmiyadda Banaadir, kadib markii ay in badan daraaseeyeen doodaha ku saabsan metelaadda gobalka Banaadir, sidoo kalena ay daraaseeyeen hadalladii dhowaanahan ka soo yeerayey siyaasiinta beelaha kale, islana gorfeeyeen muhiimadda ay leedahay in bayaan rasmi ah oo go’aan wadajir ah ay ka soo saaraan arrinta qaddiyadda gobalka Banaadir, waxaa ay isla garteen, in iyaga oo cuskanaya.”

  1. Dastuurka kumeel gaarka ah qodobka 72-aad farqaddiisa (C) ee dhigeysa. Tirada guud ee xubnaha golaha Aqalka Sare waa inay matilaad isu dheellitiran ku yeeshaan dhammaan qaybaha bulshada.
  2. Sharciga doorashooyinka qodobkiisa 12-aad farqadiisa 5aad ee dhigeysa. Sida ku xusan Qodobka 72aad xarafka (C) ee Dastuurka waa in xisbiyada si dhab ah u hirgeliyaan nuxurka awood qaybsiga iyo isu dheelitirnaanta matalaada bulshada ee kuraasta Aqalka Sare.

Waxay si wada jir ah kulankii maanta ka dhacay Muqdishi uga soo saareen go’aanada hoos ku xusan oo lagu soo koobay afar qodob:

1- In ay Muqaddas tahay in la helo metelaadda gobalka Banaadir si rasmi ah oo dastuuri ah, isla markaasna aan ku jirin xaqdarro iyo sad bursi

2- In qowmiyadda Soomaaliyeed ee Banaadiriga ay tahay qowmiyadda 1-aad ee xaqa u leh lahaanshaha gobalka Banaadir, isla markaasna waajib qaran ay tahay in qowmiyadda Banaadiriga la siiyo tixgalinta 1-aad ee metelaadda gobalka Banaadir, iyada oo haatan ay qowmiyaddu ku dulman tahay metelaadda Aqalka Sare.

3- In Siyaasiinta ka hadleysa arrimaha gobalka Banaadir ay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara is xaqiraad, xaalad abuur iyo kicin colaadeed.

4- In Siyaasadeynta qalloocan laga daayo arrinta gobalka Banaadir, isla markaasna masiirka gobalka loo daayo qowmiyadda xaqa u leh ee Banaadiriga iyo inta la deggan.

Ugu dambeyntii bayaanka kasoo baxay beelaha Banaadiriga ayaa lagu yiri, “Sidaas darteed, Wasiirada iyo Xildhibaanada qowmiyadda Soomaaliyeed Banaadiriga, waxaysan marna aqbali doonin arrin walba oo khuseysa metelaadda gobalka Banaadir ee aan muhiimadda 1-aad siineyn qowmiyadda oo ah midda xaqa rasmiga ah u leh aayo katalinta gobalka Banaadir.”

Bayaankan ka soo baxay qowmiyadda Soomaaliyeed Banaadiriga ayaa waxaa ku saxiixan lix mudane oo qowmiyaddan ku metela dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo laba tahay wasiirro ka tirsan xukuumadda, halka afarta kale ay ka tirsan yihiin baarlamaanka Soomaaliya.

1- Wasiir Cabdirashiid Maxamed Axmed

2- Wasiir Fahma Axmed Nuur

3- Xildhibaan Jeylaani Nuur Iikar

4- Xildhibaan Biibi Khaliif Maxamed

5- Xildhidhaan Lutfi Shariif Maxamed

6- Iyo Xildhibaan Khaliid Macow Cabbdulkadir.