SAWIRRO:- Dowladda Soomaaliya oo gaarsiisay agab caafimaad magaalada Dhuusamareeb.

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay maanta magaalada Dhuusamareeb gaarsiisay diyaarad sida agab caafimaad.

Agabkaan Caafimaad oo isugu jira noocyo kala gedisan, ayaa waxaa loogu talagalay degmooyinka Balanballe iyo Caabudwaaq oo maalmahan u saameyn ku yeeshay Cudurka Covid-19.

Dhinaca kale agabkaan Caafimaad ayaa xubnihii ka socday dowladda Soomaaliya waxaa ka guddoomay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, waxaana uu uga mahadceliyay Dowlada Soomaaliya sida ay uga soo jawaabtay codsigii ay u direen.

Isku soo wada duuboo waxaa jira warar sheegaya in Degmooyinka Cadaado, Gaalkacyo iyo deegaano kale oo ka tirsan Maamulka Galmudug ay ku geeriyooday dad laga helay Cudurka COID-19 halka kuwo kale ay la jifaan,kuwaas oo la geliyay xaalad karantiil ah.