Xisbiga dowlada oo gudbiyay codsigooda ka mid noqoshada Axsaabta Dalka

0

Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta gudbisay shuruudihii looga baahnaa ee diiwaan gelinta Xisbiga dowladda, iyadoo laga guddoomay document-yada ka mid noqoshada Axsaabta siyaasadeed ee dalka.

Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maalmaha soo socda guddoonsiin doona Xisbiga dowladda shahaadada KMG ah ee lagu aqoonsado Xisbul-xaakimka Dowladda.

Waxaa xusid mudan, in aanay weli kala caddeyn mowqifka siyaasiga ee wadajirka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ee doorashada 2021.

Xisbigan cusub oo aan weli si rasmi ah loo shaacin magaciisa balse la saadaalinayo in magaca Nabad iyo Nolol uu qaadanayo ayaa waxaa hore loo sheegay inuu guddoomiye ka noqonayo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.Illaa iyo hadda ma cada mowqifka madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ee ka mid noqoshada xisbigan.