Wasiiro ka tirsan Somaliland oo laga helay Cudurka Covid-19

0

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Somaliland laga helay Cudurka Coronavirus.

War ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in labo wasiir laga helay, kaddib markii baaritaan lagu sameeyay.

Maxamed Axmed Cawad oo ah wasiirka Maalgashiga Somaliland ayaa sheegay in laga helay cudurkan, isagoo tilmaamay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-kiisa ayuu ku sheegay in laga helay cudurka Coronavirus.

Cudurka safmarka ah ee Coronavirus ayaa todobaadyadii u dambeeyay saameeyay deegaanada Somaliland, waxaana laga helay dad fara badan.