Soomaaliland oo shaacisay in dad u dhashay Hindiya laga helay cudurka Covid 19

0

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada Caafimaadka ee Somaliland ayaa xaqiijisay in 26 kiis oo cusub oo COVID19 ah maanta laga helay deegaanada Soomaaliland.

Dadka laga helay Cudurka Corona Virus ayaa maanta waxaa ka mid ah 4 qof oo u dhashay dalka Hindiya.

Bukaanada cudurka laga helay ayaa waxaa ay kala joogaan magaalooyinka  Hargeysa 13 qof, Borama 7 qof iyo Berbera oo ah 6 qof.

Tirada guud ayaa haatan mareyso 358, halka ay u dhinteen cudurkaan 22, waxaa bogsaday 48.

Somaliland ayaa ka mid ah meelaha uu sida daran u saameeyey cudurka saf-mareenka ah ee Covid-19 oo fara ba’an ku haya qeybo badan oo ka mid ah dalka.