Madaxweyne Deni”Xukuumadda Soomaaliya ee hadda talada haysa waxa ay wadaa marin habaabin”

0

Siciid Cabdullahi Deni Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hadlay waqtiga kala guurka ee idlaanayo muddo xileedaka Madaxda Dowladda iyo geeddi socodka Dowladda cusub.

Xukuumadda Soomaaliya waxa uu ku eedeeyay in ay ku fashilantay waxyaabo badan muddo 3-sano iyo bar ah, isla markaana ay sameyneyso marin habaabin sababi karta in dalka uu dib ugu laabtay halkii uu ka yimid.

“Marin habaabinta Xukuumadda waxa ay dhalin kartaa in lagu kala tago nidaamka Dowladda oo aan ognahay halka uu ka yimid, sidoo kale waxa ay dib u dhigeysaa dalka oo waxaa ka dhalan karo khilaaf ay adkaantoodo in dib la isaga yimaado” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Kama uusan gamban diidmada xubnaha Guddiga howsha wada, xulistooda oo lagu saleeyay awood qaybsiga beelaha ee ku dhisan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah 4.5-ta ah oo lagu kala qaybiyay xilalka.

Waxa uu sii qaatay go’aan ah in Maamulkiisa uusan ku qanacsaneen sida ay wax u wado Xukuumadda Dhexe ee dalka, isaga oo walaaciisa ku sal uga dhigay awood qaybsiga Beelaha iyo in guddiga uu yahay mid magacaabis ku yiimid halkii laga dooran lahaa.

“Xubnaha Guddiga ah ee howsha loo dhiibay waa kuwo lagu keenay awood qaybsiga Beelaha 4.5, waxa aan ka digeynaa in nidaamka qabaliga ah laga dhigo Dastuur, Puntland waxa ay meel dheer ka taagan tahay ku kalsoonaanta guddi ama Hay’ado sharci dajin oo lagu saleeyay beelaha oo ah kuwo lasoo xulay oo aan ahayn kuwo la doortay in maslaxada dalka loo dhiibo”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la doortay horaantii sanadkii hore, xiriirka kala dhaxeeyo Dowladda Dhexe ee dalka ma wanaagsano, taasi ayaa dhalisay in uu kahor yimaado tallaabooyin dhowr ah oo ay sameysay DFS.