Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay qorshe hubka looga dhigayo maleeshiyada hubeysan

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ku dhawaaqay qorshe hubka looga dhigayo maleeshiyo beeleedyada, si loo adkeeyo amniga iyo xasilloonida deegaanada Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad uu kula hadlayay Ururada Haweenka oo ka dhacay Koofurta Gaalkacyo, isagoo caddeeyay in maamulkiisa uu qaadayo tallaabooyin lagu xakameynayo hubka.

Waxaa uu si gaar ah u tilmaamay in si loo helo Galmudug xasilloon ay hubka ka dhigi doonaan cid kasta oo hub ku dhex wadata Galmudug ee aan ka tirsaneyn maamulkiisa cusub.

Sidoo kale waxaa uu xusay in maamulkiisa uu qarameyn doono maleeshiyo beeleedyada hubeysan, isla markaana lagu dari doono ciidamada kala duwan ee Galmudug, si ay uga qeyb qaataan nabadgelyada.