Dibadbaxayaasha Mareykanka oo loo adeegsaday gaaska dadka ka ilmeysiiya

0

Dad ku dibadbaxayay barxad ku dhaw Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa loo adeegsaday sunta dadka ka ilmaysa, si madaxweynaha dalkaas Donald Trump loogu furo jid xilli uu u socday kaniisad.

Donald Trump, ayaa ku hanjabay inuu ciidamo geyn doono jidadka waaweyn, si uu uga saaro dadka halkaas dibadbaxyada ka wada.

Daqiiqado kadib ayuu Trump ka soo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka, isaga oo gacanta ku wata buuga diinta masiixiga una jeeda kaniisad halkaas ku taalla.

Booliska ayaa dibadbaxayaasha ku riday sunta dadka ka ilmeysiisa, iyada oo uu Aqalka Cad baahiyay muuqaalkaas oo la duubay xilliga uu Trump ka baxayey