Akhriso:-Deni iyo Axmed Karaash oo maanta kulmaya

0

Madaxweynaha maamulka  Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan ( Karaash), ayaa sida qorshaysan maanta oo Talaado ah lagu kulansiinaya xarunta Madaxtooyada Garoowe, si loo xalliyo khilaafka u dhexeeya labada hoggaamiye.

Qaar kamid ah odayaasha  Puntland iyo Guddoonka Baarlamanka, oo maalmihii u dambeeyay waday dhex-dhexaadinta Deni iyo Karaash, ayaa labada mas’uulba ku qanciyay in la is hor-fariisiyo, si loo dhammeeyo khilaafkooda.

Odayaasha dhex-dhexaadinta wada ayaa  waxaa kamid ah Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed,  Boqor Cabdullaahi Axmed Cali Daba-gooye, Ugaas Maxamuud Cabdullaahi Ciise Nuur iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase.

Odayaasha  iyo Guddoonka Baarlamanka, ayaa maalmihii la soo dhaafay  Madaxweyne Deni iyo Ku xigeenkiisa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay, ka hor inta aysan ku ballamin kulanka Maanta oo Talaado ah la isku hor-fariisinayo labada mas’uul