Wiil dhalin yaro oo lagu dilay Muqdisho

0

Sida ay sheegayaan wararka askar ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa saakay Xaafadda Siinaay ee magaalada Muqdisho  ku dilay  wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa suuqa siinay , kaasi  oo lagu magacaabi jiray  Maxamed Abuukar Tuuryare.

Goobjoogayaal  ayaa sheegay in Ciidamada ay ka shakiyeen Maxamed Abuukar, waxaana dhexmaray Muran kooban inkasta oo aan la xaqiijin waxyaabaha uu salka ku hayay murankooda.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan  in Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, iyadoona halkaasi ay ka qaadeen Maydka Maxamed Abuukar Tuuryare.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Warta Nabada iyo Taliska booliska Somalia.