Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Galmudug oo kormeeray mashaariic horumarineed oo ka socota Galkacyo

0

Wasiirka wasaarada howlaha guud iyo dib u dhiska dowlad gobaleedkan Galmudug Axmed dhiblaawe casir oo ay wehliyeen masuuliyiinta maamulka dagmada Galkacyo ayaa kormeeray sida ay u socdaan mashaariic horumarineed oo dhismaheedu Ka socanayo Galkacyo.

Duqa Dagmada Galkacyo xirsi yuusuf barre ayaa intii lagu guda jiray kormeerka uga warbixiyay wasiirka sida ay u socdaan mashaariicda horumarineed iyo cidda ka gacan siineeysa hirgalintooda.

Kormeerka ayaa kadib ayaa wasiir dhiblaawe waxa uu kaga mahad celiyay mashaariicda horumarineed hay’addaha gacanta ka geysanaya isagoo dhanka kalana ugu baaqay shacabku in ay kaalintooda ka qaataan horumarinta dalka ayna noqdaan bulsho iyagu isku tashata taas oo uu tilmaamay in ay ka wanaagsan tahay in cid kale wax laga sugo.