SAWIRO:- Gudoomiyaha gobalka Bari oo booqday Ufayn & tasjiic

0

Guddoomiyaha gobalka Bari Abdisamad yuusuf abwaan ayaa kormeer ku maraya degmooyin ka tirsan gobalka Bari,isago u kuur galaya xaaladda degmooyinkaas iyo baahiya bulshadu ay qabto.

Abwaan ayaa booqday degmooyinka Ufayn iy tasjiic ee gobalka Bari,iyado dhawaan degaanka tasjiic u ka da’ay roob khasaare geeystay isla markaana maamulka gobalka Bari horey u sheegay inay qiimayn ku soo samayn donaan khasaaraha ka dhashay robaabkas.

Sido kale Guddoomiye Abdisamad yuusuf abwaan ayaa booqday degmadda Ufayn ee gobalka Bari isago la kulmay odayaasha iyo waxgaradka degmaddaas,isago kala hadlay baahiya dhabta ah ee ay qabaan bulshadda degmadaas.