Puntland oo sheegtay in gacanta lagu dhigay dad ka ganacsanayay jarista dhuxusha

0

Ciidamada Booliska Gobalka Bari oo Fulinaya Awaamirta Ka Hortagista Xaalufka deeganka ayaa waxaa ay Ku guuleysteen in ay gacanta Ku dhigaan Gaadiid waday dhuxul Shar cidaro ah oo horay Puntland ay uga Mamnuucday In La Jaro Dhirta.

Taliyaha Saldhiga deegaanka  Carmo ee Gobalka Bari  Maxamuud Xasan Nuur Aden Oo gaadiidkan Ku qabtay deegaankaasi  ayaa meel fagaaro ah Ku gubay dhuxushaan, Iyadoona xabsiga Loo Taxaabay Ilaa Shan qof oo dhuxushaas soo gelinayay Magaalada Boosaaso oo Ciidamada ay Ka hortageen.

Taliyaha Qeybta Boliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Bogaadin Iyo Dhirigalin U diray Ciidankii Ku guuleystay in ay qabtaan dhuxushaan, isagoona sheegay in sharci la horgeyn doono dadka la soo qabtay