Madasha Xisbiyada Qaran Oo Soo Dhaweysay Hadalkii RW Khayre

0

War saxaafadeed ay maanta soo saareen madaxda xisbiyada qaran ayey si taxadar leh u soo dhaweeyeen hadalkii RW Khayre ee ku aadanaa qabsoomida Doorasho xilligeeda dhacda.

Madasha xisbiyada qaran ayaa war saxaafadeedkooda waxa ay kaga dalbadeen Madaxda DFS qabashada shir degdeg ah oo ay isugu yimaadaan saamileyda siyaasadeed, si loo dhaqangeliyo xeerarka iyo sharciyada Barlamaanku ansixiyay loogana heshiiyo jadwalka iyo nooca doorasho ee dalku aadayo.