Dowlada Soomaaliya oo ruqsadihii duulimaadyada kala laabatay shirkado laga leeyahay dalka Kenya

0

Dowladda Soomaaliya ayaa ruqsada duulimaadka ay ku iman lahaayeen Soomaaliya kala noqotay diyaaradaha laba shirkadood oo ka diiwaangashan dalka Kenya.

Dowladda Somaaliya ayaa ku eedaysay mid ka mid ah labada shirkadood Buff AIR SERVICES inay diyaarad ay leedahay ay si sharci darro ah qaad u soo gelisay dalka Soomaaliya iyo inay ku xadgudubtay xayiraaddii ay soo rogtay dawladda Soomaaliya ee dhinaca duulimaadka cudur COVID-19.

Saraakiisha dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in diyaarad ay leedahay shirkaddaas ay 26-kii May shixnad qaad ah gaysay magaalada Buuhoodle, iyadoo hawada Soomaaliyana ku soo gashay inay waddo gargaar daawo ah.

Sidaasi oo kale, dawladda Soomaaliya waxay ruqsadii duulimaadyada Soomaaliya kala laabatay Silverstone Air Services oo isla sidaasi oo kale lagu eedeeyey inay qaad si sharcidarro ah kusoo gelisay waddanka iyo inay ku xadgudubtay xayiraadihii ay soo rogtay dawladda Soomaaliya cudurka COVID-19 darteed, sida ay ilo wareedyo u sheegeen Warbaahinta

Ilo wareedku waxay intaasi ku dareen in diyaarad ay leedahay shirkaddaasi ay 31-kii May ka degtay magaalada Jawhar oo ay gaysay shixnad qaad ah iyadoo hawada Soomaaliyana kusoo gashay inay siddo daawo.