DHAGEYSO:-Maxaad Ka Ogtahay Halista Caabuqa Covid19 ee Ku Sii Faafaya Gobolka Gedo

0

Waxaa sii kordhaya halista caabuqa Covid19 ee Gobalka Gedo, gaar ahaan caabuqa ayaa si dareen la’aan ah ogu faafaya degaanada ku yaala xadka Dalalka dariska ah.

Sida muuqata ma jirro gurmad iyo agab Cafimaad oo kismaayo iyo Muqdisho midna oga yimid Gobalka, si looga hortago masiibada caabuqa sii faafaya ee Covid19.
Saameynta caabuqa oo la dhayalsaday ayaa horseeday in xaalad halis ah oo weyn in xiligaan ay ku-dul nool yihiin bulshada Gobalka, Gaar ahaan Degaanada xadka ku yaala.
Waxaa jirra walaac ah in dadku si aan lagu baraarugsaneyn ay u dhimanayaan, runtii waa halis kale oo weyn oo sii xoojin karta faafista caabuqa, bacdamaa aysan jirin farsamo ahaan Koox u carbisan habka loo aaso dadka caabuqa u geeriyooda madaama ay ka duwantay habkii hore ee daahfurnaa.

Dr abdiqani Sheikh Cumar Oo Ah Masuul Ka Soo Jeedo Deegaanada Gobolka Gedo Oo Si Buuxda uga Hadlay Xaladaha Cudurka Covid 19 Ee Ka Taagan Gobolka Gedo Baaqna U Diray Wasarada Cafimaadka Ee Dowlada Somaliya Iyo Maamul Goboleedka Jubbaland,  Fariina U Diray Shacabka Reer Gedo Anigoo og tabarta, agabka iyo farsamo ahaan xirfadlayaasha la helo karro oo aan ku filneyn, waxaan Maamulka heer Gobal iyo heer Degmo ee “Gedo” ogu baqayaa in la qaado talaabo wax ku ool ah oo lagu xakameynayo halista caabuqa Covid19, isu gudbida xadka, kulamada & isu imaatinka bulshada iyo guud ahaan goobaha sahlaya isdhex-galka bulshada in si ku meel gaar ah loo hakiyo ayaan soojeedinayaa.

Wasaarada Cafimaadka DFS iyo Guddiga Qaran ee ka hortaga Covid19 waxaan ogu baqayaa il gooni ah in ay ku egaan Gobalka Gedo iyo in si deg deg ah Gobalka loo gaarsiiyo agabka la tacaalida Covid19 bacdamaa Dalka intiisa kale goor hore la gaarsiiyay.