DHAGEYSO:-Cudurka Coronavirus Oo Ku Sii Faafaya Deegaanada Jubbaland

0

Dowlad goboleedka Jubbaland oo faah-faahisay kiisas la xiriira cudurka Coronavirus ee laga helay maamulkaas ayaa sheegtay inuu cudurka ku faafayo deegaanadeeda.

Wasiirka caafimaadka Jubbaland, ahna guddoomiyaha guddiga ka hortagga cudurka Covid-19, Mursal Maxamed Khaliif ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay la baaray 74 ruux balse ay diiwaan-geliyeen 34 xaaladood oo la xiriira cudurka Corovid-19.