Amniga Wadada Isku Xirta Muqdisho Iyo Afgooye Oo Walaac Laga Muujiyey

0

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Cabdi Axmed Yuusuf ayaa walaac xoogan ka muujiyey amniga wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Cabdi Axmed ayaa qiray in ka maamul ahaan aysan waxba ka qaban karin amniga wadadaasi, isaga oo DF ka dalbaday taageero amni.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhibaatooyinka ugu badan wadadaasi ay kala kulmaan dadka shacabka ee ku safraya jidka xiriiriya magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Shalay aye aheyd markii deegaanka Xaawa Cabdi miino ay kula kacday gaari rakaab ah oo ay la socdeen dad rayid ah, kaas oo geystay khasaare oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.