Qarax Khasaare Xoogan Geystay Oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay deegaanka Xaawa-Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee meelaha fog-fog laga hago ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleelay gaari Hoomey ah oo ay la socdeen dad shacab ah.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu ka yimid dhinaca Lafoole, islamarkaana ay la socdeen dad u badan ganacsatada Qudaarka keenta Muqdisho.