Isimada Puntland oo bilaabay dadaalo lagu dhex dhexaadinayo Madaxda Puntland

0

Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Isimada Puntland ay bilaabeen dadaalo lagu dhex dhexaadinayo Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash oo muddooyinkii u dambeeyay khilaaf u dhaxeeyay.

Saciid Deni iyo Axmed Karaash ayaa la sheegay inay aqbaleen dalabka dhex dhexaadinta Isimada, kaddib kulamo gaar gaar ah oo ay la qaateen, waxayna ogolaadeen sidii xal looga gaari lahaa khilaafkooda.

Kulamada ka socda magaalada Garowe ayaa waxaa qeyb ka ah xubno horay xilal uga soo qabtay Puntland, kuwaasoo dadaal ugu jira sidii loo soo afjari lahaa khilaafka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka

Isimada ku howlan dadalaada lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya Saciid Deni iyo Axmed Karaash ayaa waxaa hoggaaminaya Garaad Saleebaan Garaad maxamed iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed.