Hal gabar oo ka bad-baaday gaarigii lagu qarxiyey Xaawo Cabdi iyo wararkii ugu dambeeyey+Vedio

0

Ku dhowaad 10 qof oo shacab ah ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, kadib qarax saaka aroortii ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa qabsaday gaari nooca ay Soomaalida u taqaano Hoomeyda oo marayey halkaasi, waxaana saarnaa dad shacab ah oo u badnaa ganacsatada Qudaarta ka keenta degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Riix halkaan ka Daawo Vedio qaraxii muqdisho: